Dowladda oo si aad ah u ilaalinaysa agabka isgaarsiinta iyo korontada

0
391

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in xarumaha isgaarsiinta iyo korontada ay yihiin kuwo kenyaanka u fidiya adeegyo muhiim ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in si weyn loo ilaalin doono goobahan si looga hor tago cillad la gaarsiiyo.
Sidoo kale qoraalka wasiirka waxaa ku cad in la xoojin doono adeegsiga goobahan.
Meelaha lagu tilmaamay kaabayaasha muhiimka ee dowladda waxaa ka mid ah goobaha lagu keydiyo shidaalka ama lagu kala gudbiyo, nidaamyada garoomada diyaaradaha , tareennada , isgaarsiinta, warshadaha biyaha iyo cuntooyinka, caafimaadka iyo kuwo kale oo badan.