Tirada dadka lagu xiray Myanmar oo ku dhow 500

0
443

Waxaa ilaa iyo hadda wadanka Myanmar lagu xiray ku dhawaad 500 oo qof iyadoo ay weli socdaan dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee 1-dii bishan.
Ciidamada difaaca ee hoggaanka wadankaas la wareegay ayaa soo saaray warqado lagu soo xirayo 6 qof oo magac leh.
Dadkan ayaa loo haystaa in ay dhiirigeliyeen dibadbaxayaasha.
Tobonaan kun oo qof ayaa maanta mudaharaadyo ka dhigaya meel u dhow jaamacad ku taalla magaalada ugu weyn wadanka Myanmar ee Yangon .
Waxay dibadbaxayaasha oo ay arday ka mid yihiin dalbanayaan in la siidaayo saraakiil la xiray oo ay ku jirto haweeneydii hoggaaminaysay dalkaas Aung San Suu Kyi.