Raila Odinga oo ololihiisa geeynaya ismaamulka Kajiado

0
339

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa la filayaa inuu maanta gaaro dowlad deegaanka Kajiado si shacabka halkaasi ku nool uu uga dhaadhiciyo in bisha siddeedaad ee sanadkan ay ku taageeraan dadaalka uu ugu jiro la wareegidda hoggaanka dalka.
Socdaalka Raila ee Kajiado ayaa imaanaya hal maalin un ka dib markii uu isku soo baxyo siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Nyandarua ee bartamaha Kenya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayuu qorshuhu yahay inuu abaare 10-ka barqanimo iyo 2-da duhurnimo ee maanta uu isku soo baxyo ku kala qabto fagaaraha KCB Grounds iyo degmada Isinya ee Kajiado.
Dhanka kale isbeheysiga ‘Kenya Kwanza’ ee ay ku midoobeen xisbiyada UDA, ANC iyo Ford Kenya ayaa maanta olole siyaasadeed ku qaban doono magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ka dib markii ay qorshahooda u bandhigeen dadweynaha ku nool Westlands iyo Kawangware oo ka tirsan Nairobi.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford Kenya Moses Wetangula ayaa socdaal ku mari doono magaalada Naivasha ,Karagita iyo Kamere.