Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa kulan isugu yeeray gaadiidleyda ka howlgalo ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda gaadiidka ee dowlad deegaankaasi ay shaacisay amarro la xiriira kala hagidda baabuurta oo maanta dhaqan galaya.
Waxaa qorshahan oo looga gol-leeyahay in lagu fududeeyo ciriirka dhanka isku socodka gaadiidka uu saameyn ku yeelanayaa waddooyin dhowr ah oo la xiraya.
Dhanka kale mulkiilayaasha baabuurta gaarka ah iyo mataatuuda ee Mombasa ayaa cabasho ka muujinaya in aan wax wadatashi ah lala sameyn ka hor inta aan amarrada cusub la soo saarin.