Madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ,Nzioka Waita ayaa lagu wadaa inuu xafiiska banneeyo.
Xilli uu xalay wareysi gaar ah siiyay talefishinka maxalliga ayuu Waita hoosta ka xarriiqay inuu doonayo inuu u tartamo xilka barasaabka ee ismaamulka Machakos.
Xeerarka doorashooyinka ee dalka ayaa qeexaya in shaqaalaha dowladda ee daneynaya jagooyinka siyaasadeed inay is casilaan ugu dambeyn 9-ka bishan labaad ee sanadkan oo ah 6 bilood ka hor codeynta guud.
Madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka ayaa dhanka kale xusay in hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda dhexe ay u socdaan sidii loogu talagalay.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay dhaliilay maamulka Jubilee loo jeedinaya ee ah inuu hakad ku yimid dhaqangelinta qorshayaashii horumarineed tan iyo markii la billaabay geeddisicodka sharci beddelka ee BBI-da.