Maareeyihii hore ee sanduuqa qaran ee howlgabka ee NSSF Francis Zuriels Moturi ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu musuqmaasuqay lacag dhan 1.6 bilyan oo shilin.
Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag dhan 2.6 bilyan oo shilin.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa soo saaray xukunka lagu riday maareeyihii hore ee sanduuqa qaran ee howlgabka .
Maxkamadda ayaa saddex eedeysanayaal oo kale ku xukuntay inay bixiyaan lacag dhan 2.7 bilyan oo shilin maadaama lagu helay inay ka qayb qaateen hagardaamo hanti looga dhacay waaxda.
Maxkamadda waxay amartay in shirkadda bixisa qiima dhimista dhanka dhamaanadda ay NSSF ku wareejiso magdhow lacageed oo gaaraya 4.8 bilyan oo shilin.
Iyadoo la eegaya muddada xarigga ee maareeyaha lagu xukumay, garsoore Mugambi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucaya in afartan qof loo doorto ama loo magacaabo xafiis dowladeed 10-ka sano ee soo socota.
Qareennada dhinacyadaan difaacaya ayaa haysta 14 cisho oo ay racfaan ku qaadan karaan.