Kenya oo tarxiishay shakhsiyaad dil gaystay

0
284

Dowladda Kenya ayaa dalkeeda ka musaafurisay labo nin oo baxsad ah kuwaas asal ahaan ka soo jeeda boqortooyada Ingiriiska.
Shakhsiyaadkan ayaa la sheegay in ay qayb ka ahayeen koox burcad ah oo ka dambeysay dilka Alex Smith oo dhacay bishii Siddeedaad ee sanadkii 2019-kii.
Sida laga soo xigtay xafiiska dacwad oogidda dalka ee ODPP kameerada duubto muuqaaladda qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da, ee goobta uu dilka ka dhacay ayaa muujiyay shakhsiyaadkan oo eryanaya sidoo kalena tooreey uu adeegsanaya Alex Smith.
Waaxda ODPP ayaa barteeda Twitter-ka ku baahisay in labada qof ay ka soo carareen dalka Ingiriiska, islamarkaana ay Kenya ku soo galeen dal ku galka booqashada ah.
Waxaa la sheegay in eedeysanayaasha aysan cusbooneysiin fiisahooda ka dib markii uu ka dhacay taasi oo lagu tilmaamay mid muujineyso in ay dalka si sharci darro ah ku joogeen.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo lagu wargeliyaay joogitaanka Kenya ee shakhsiyaadkan iyo dambiyo ay ka galeen dowladda Britan ayaa oggolaansho ku bixiyaay in dib loo tarxiilo.
“DPP waxay ka codsatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha inuu soo saaro amarka lagu farayo labada nin ee baxsadka ah ee joogitaankooda Kenya ay sharci darro tahay in laga kaxeeyo dalka lana geeyo Ingiriiska si ay halkaasi ugu wajahayaan dacwad dembi.” ayaa lagu yiri bayaanka.
Agaasinka dambi baarista iyo waaxda dembiyada laga gaysta waddamada kala duwan oo kaashanaya mas’uuliyiinta boqortooyada Ingiriiska, ayaa aqoonsaday, xiray, oo ku wareejiyay labada qof ee baxsadka ah , mas’uuliyiinta Uk.