UDA: Ma jiro heshiis isbeheysi oo u dhexeyo UDA, ANC Iyo Ford-K balse waxaan nahay saaxiibo

0
651

Guddoomiyaha xisbiga UDA horraanna u soo noqday senetarka ismaamulka Machakos , Johnson Muthama ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu jiro heshiis isbeheysi oo ay wada gareen xisbiyada UDA, ANC iyo Ford Kenya.
Mr. Muthama oo shir jaraa’id maanta qabtay, ayaa sheegay in saddexda xisbi aysan weli saxiixin wax heshiis ah, balse keliya ay wada shaqeenayaan si ay isu la jaanqaadaan safarka lagu mideynayo shacabka.
Waxaa uu xusay in haddii maanta doorashada la qabto uu hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi uu codbixinta ka qaybgeli lahaa isagoo musharrax madaxweyne ah iyo sidoo kale si la mid ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Seneterkii hore ee ismaamulka Machakos ayaa u sheegay taageerayaasooda inay iska indhatiraan wararka sheegaya in xisbiyadan ay heshiis isbeheysi wada gaareen.
Waxay ku adkaysatay in iskaashiga xisbiyada UDA, ANC iyo Ford Kenya uu yahay mid kaliya lagu mideynaya Kenyaanka, dalkana loo horseedo barwaaqo dhaqaale.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iskaashiga xisbiyadan uu xoojin doono dimuqraadiyadda si looga hor tago in Kenya uu ka jiro nidaam keli talis ah.