Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuusan raaligelin ka bixinayn tallaabadii uu Axaddii hore uga baxay isbeheysiga OKA .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuusan khiyaanin saaxiibadiisi Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi xilligii uu ku biiray madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Mudavadi ayaa xusay inay mudnaanta koowaad siinayaan kenyaanka.
Arrintan oo uu ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka Rongai ee ismaamulka Kajiado ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka iyo madaxa xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangula lagu dhaliilay inay la safteen Ruto.
Madaxa ANC ayaa dhanka kale markii ugu horreysay si cad u sheegay sababta uu uga baxay OKA isagoo tilmaamay in saaxiibada kale ay u muuqdaan kuwo u janjeeraya dhanka musharraxnimada Raila Odinga.