DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inuu la dagaallamayo musuqmaasuqa hadii uu hoggaanka qabto

0
343

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa kenyaanka u ballanqaaday in haddii bisha siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto xilka ugu sarreeya ee hoggaanka wadanka uu si wayn ula dagaallami doono falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta dhawaan midoobay ee kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula .
Raila oo arrimahan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa xaafadda Kawangware ee magaalada Nairobi ayaa hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiintan horay loola xiriiriyay falal musuqmaasuq sidaas awgeedna wada shaqeyntooda aysan dani ugu jirin kenyaanka.

Mr. Odinga ayaa dhanka kale ballanqaaday inuu sameyn doono sanduuq gaar ah oo lagu daryeelaya hooyooyinka keligood carruurta korsanaya si looga fududeeyo culeysyada dhaqaale.

Waxaa uu mar kale xusay in qorshaha ah in maamulkiisa uu bil kasta 6,000 oo shilin siiyo qoysaska uunan dakhligu soo gelin ay tahay arrin suurtagal ah oo la dhaqangelin karo .