DHAGEYSO:William Ruto oo ololihiisa geeyay Kiambu

0
674

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta ololihiisa geeyay deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu mar kale hoosta ka xarriiqay in haddii uu bisha siddeedaad ku guulaysto hoggaanka wadanka uu dhameystiri doono ballanqaadyadii uu kenyaanka u sameeyay maamulka Jubilee.
Ruto ayaa ku celceliyay in dhaqangelinta qorshayaashii horumarineed ee dowladda dhexe uu hakad ku yimid ka dib markii la billaabay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay ujeedka ay u midoobeen xisbiyada UDA,ANC iyo Ford-Kenya oo uu ku sheegay in loolanka madaxtinimo loogaga adkaado Raila Odinga.