DHAGEYSO:Madaxa ODM oo sheegay in toddobaadka soo socdo ay diiwaangelinayaan xisbi cusub

0
576

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa shaaciyay in toddobaadka dambe hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio la Umoja loo diiwaangelin doono inuu yahay xisbi siyaasadeed oo isbeheysi ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta qalinka ku duugay isbeddelo lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed ee wadanka oo ay ansaxiyeen baarlamaanka iyo aqalka sare.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa arrintan shaaciyay xilli uu qaabilayay siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga ANC oo ku biiray ODM.
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay iskaashigii ay 23-kii bishan ku dhawaaqeen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi isagoo xusay in wada shaqeyntaasi aynan dani ugu jirin dadweynaha.