Madaxweynaha dalka oo saxiixay hindise sharciyeed muran badan dhaliyay

0
485

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay saxiixay isbeddelo lagu sameeyay xeerarka lagu maamulo xisbiyada siyaasadeed ee wadanka kaas oo dhawaan labada aqal ee xeer dejinta meel mariyeen.
Xeerarka u degsan maareynta xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ayaa qeexaya in xisbiyada siyaasadeed loo beddelo isbeheysiyo.
Madasha uu madaxweynaha dalka ku saxiixayay xeerarkan waxaa goobjoog ka ahaa madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua, guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka, hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha xeer dejinta Amos Kimunya, dhigiisa aqalka sare Samuel Poghisio, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara, karaaniyaasha labada gole iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa hindisahan aad uga soo horjeeday xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa ay diiddanaayeen in xisbiyada dalka loo beddelo isbeheysiyo la soo dhisayo 6 bilood ka hor xilliga doorashada in kastoo dhanka codeynta looga tira badnaaday ee labada aqal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here