Baaritaan lagu ogaaday in boqolkiiba 13 ee booliska ay wajahayaan culeysyo dhanka maskaxda ah

0
444

Guddiga qaran ee adeegga booliska NPSC ayaa sheegay in darasaad uu sameeyay uu ku ogaaday in ugu yaraan boqolkiiba 13 saraakiisha booliska ee wadanka ay dareemayaan isku buuq maskaxeed.
Ciidamadan oo intooda badan ka tirsan booliska qaabilsan maamulka ee loo yaqaano AP-da ayaa xarumo caafimaad looga daweynayaa xaaladahan.
Dhanka kale taliyaasha ay saraakiishan ka amar qaataan ayaa la siinaya tababarro ay xilli hore ku aqoonsan karaan askarta walwalsan ka dibna ay ula macaamilaan si ay baniaadannimo ku dheehan tahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isbitaalka Chiromo ee magaalada Nairobi lagu qabtay aqoon isweydaarsi ku saabsan la tacaalidda xanuunnada dhanka dhimirka ka hor inta aynan marxalad culus u gudbin.
Madaxa fulinta ee guddiga NPSC Joseph Onyango ayaa dhibaatooyinkan u aaneeyay culeysyo la xiriira dallacsiinta, goobaha la geeyo ciidamada ama loo wareejiyo, maareynta dhaqaalaha, tababarrada iyo arrimo kale.
Waxaa la rumeysan yahay in marxaladaha saraakiisha qaar ay sii adkeyeen xaaladaha ay ku shaqeeyaan, sida kuwa ay hoos tagaan ay ula dhaqmaan ama bulshada oo xaqirto.
Dr. Frank Njenga oo ah la taliyaha madaxweynaha ee dhanka caafimaadka dhimirka ayaa bulshada u sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ka hor tagga wax kasta oo ciidamada booliska u horseedi karo inay wajahaan xaalado loo arki karo kuwo aan caadi ahayn.