Dowladaha Kenya iyo UK oo iska kaashanaya la tacaalidda halista amni ee dhanka intarneetka

0
369

Dowladda Kenya ayaa boqortooyada Ingiriiska kula heshiisay inay ka wada shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah falalka amni darro ee loo adeegsado intarneetka.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu cirib tiro halista dhinaca amniga ee ka dhalato horumarka tiknolojiyadeed.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda warfaafinta iyo isgaarsiinta dalka Esther Koimett ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in laga hor tago khatarrada dhanka online-ka.
Waxay intaasi ku dartay in guud ahaan caalamka ay ku kordheen falal dambiyeedyada intarneetka lagu fuliyo.
Ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee Kenya Josephine Gauld ayaa sheegtay inay dowladda dhexe garab ku siin doonaan wax ka qabashada dhacdooyinka intarneetka ee saameyn karo xasiloonida guud.