Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee dalka Mexico ayaa ah in ka badan 2 milyan ka dib markii galinkii dambe ee shalay wadankaas laga xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 8,683 .
Wasaaradda caafimaadka ee Mexico ayaa laga soo xigtay in tirada guud ee xaaladaha ay hadda tahay 2 milyan, afar kun , shan boqol toddobaatan iyo shan.
Sidoo kale waxaa dalka Mexico laga diiwaangeliyay dhimasho dheeraad oo ah 1,329 waxayna hadda dhimashada guud tahay 175,986 .
Dowladda dalkaas ayaa sheegtay in tirada dhabta ee dadka uu ku dhacay fayraska corona ay suuragal tahay inay ka sarreyso tirada kiisaska ee xaqiijiyay.