23,000 oo ka mid ah shacabka Isiolo oo gargaar cunno u baahan

0
656

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa sheegay in 23,000 oo qof kuwaasoo ku nool ismaamulka Isiolo ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar cunno.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday iskuduwaha NDMA ee dowlad deegaankaasi Mr. Lordman Lekalkuli .
Waxaa uu tilmaamay in tiradan ay ka soo saareen ra’yi aruurin ay dhawaan ka sameeyeen 10 ka mid ah deegaannada hoose.
Mr. Lekalkuli ayaa intaasi ku daray in boqolkiiba 80 ee shacabka Isiolo ay ku tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha sidaas awgeedna tan iyo sanadkii hore uu hoos u dhacay nolol maalmeedkooda.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay in ismaamulka Isiolo ay ka jirto cunno yari ka dhalatay xaalufintii dalagga beeraha ee Ayaxii halkaasi ku habsaday.
Iskuduwaha waaxda maareynta abaaraha ee Isiolo ayaa tilmaamay in intii u dhexeysay 2020 – 2021 ay abaarta ku nafwaayeen in ka badan 12,500 oo lo’o ah ,20,600 oo ari ah iyo 700 oo neefaf geel ah.