Maxkamadda sare oo amartay in shaqaalaha dowladda ee siyaasadda ku biiraya ay is casilaan bisha labaad

0
790

Maxkamadda sare ee wadanka ayaa go’aamisay inay khasab tahay in saraakiisha dowladda ee doonaya inay bisha siddeedaad ee sanadkan u tartamaan jagooyinka siyaasadeed ay xafiisyada banneeyaan ka hor ama ugu dambeyn 9-ka bisha labaad ee 2022-ka.
Waxay ayidday xeerka doorashooyinka ee qeexaya in shaqaale kasta oo dowladeed oo qayb ka noqonaya loolanka hoggaanka uu is casilo 6 bilood ka hor xilliga doorashada.
Kenya ayaa la filayaa inay doorasho guud ka dhacdo 9-ka bisha August.
Maxkamadda ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwad lagu dalbanayay in howlwadeenada dowladda la siiyo muddo dheeraad ah oo ay shacabka ugu sii adeegi karaan ka hor inta aynan is casilin.
Eric Omari oo dacwaddan maxkamadda geeyay ayaa ku doodayay in dhaqangelinta xeerkan uu saameyn aan wanaagsanayn ku yeelanayo dhallinyarada xilal doonka ah ee dowladda u shaqeeya.
Hasa ahaate garsoore Anthony Mrima ayaa codsiga Omari dhinac iskaga dhigay isagoo xusay in qodobbada loo soo bandhigay ay la mid yihiin kuwo ay maxkamad kale 10 sano ka hor go’aan uga gaartay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wararku sheegayaan in ugu yaraan 7 ka mid ah golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta inay u hanqal taagayaan jagooyin siyaasadeed.