Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo baaq u diray guddiga doorashooyinka ee UDA

DHAGEYSO:William Ruto oo baaq u diray guddiga doorashooyinka ee UDA

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa guddiga arrimaha doorashooyinka ee xisbiga UDA ku boorriyay inuu xaqiijiyo in kala xulashada musharraxiinta loo wajaho qaab xor iyo cadaalad ah.
Ruto ayaa galinkii hore ee shalay xafiiskiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shir ay si wadajir ah u yeesheen guddiyada doorashooyinka iyo fulinta ee UDA.
Waxaa uu xubnaha kula dardaarmay in musharraxiinta loola macaamilo si siman oo aan loo kala eexan.
Sidoo kale waxaa shirka ka qayb galay guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama, xoghayaha guud Veronica Maina iyo agaasimaha fulinta Odanga Pessa.
William Ruto ayaa dhanka kale difaacay go’aankii ay 23-kii bishan ku dhawaaqeen isaga iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo ahaa inay wada shaqeyn doonaan si la mid ah xisbiyada Ford-Kenya iyo kuwa kale ee ay isaga dhowyihiin dhanka aragtida siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments