Madaxweynaha dalka oo la kulmay siyaasiyiinta galbeedka

0
615

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada gobolka galbeedka wadanka.
Mas’uuliyiintan ayaa ka soo jeeda dowlad deegaannada kala ah Kakamega, Bungoma, Busia, Trans-Nzoia iyo Vihiga.
Waxaa uu madaxweynaha u xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay dowladdu ka waddo deegaanadaasi lagu dhameystiro xilliga la qorsheeyay.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Eugene Wamalwa , barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya , dhigiisa Bungoma Wycliffe Wangamati ,Wilbur Ottichillo oo ah guddoomiyaha Vihiga iyo Sospeter Ojaamong oo hoggaamiyo ismaamulka Busia ayaa madaxweynaha dalka uga mahadceliyay hirgelinta mashaariic ay sheegeen inay wax wayn ka beddeleen nolosha shacabka ku nool galbeedka Kenya.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena Mararo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uuliyiintan ay si gaar ah uga mahadnaqeen madaxweynaha in xilli habboon uu meesha kaga saaray go’aan buuraleyda Chetambe Hills horay loogu aqoonsaday keyn qaran.
Amarkaasi ayaa la soo saaray bishii Toddobaad ee sanadkii hore wuxuuna horseedi lahaa in dhul dhan 406 oo eekar laga barakiciyo in ka badan 10,000 oo qof kuwaasoo ku nool deegaannada hoose ee Maraka iyo Mihuu ee bariga Webuye oo ka tirsan ismaamulka Bungoma .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here