Kenya oo xoojisay amniga xudduudaheeda

0
461

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in la adkeeyay xudduudaha ay Kenya la leedahay waddamada dariska la ah.
Tani ayaa timid ka dib markii qaybo ka mid ah gobolka ay saameysay xasilooni darro halka ay jirto khatar dhanka argagixisada ah.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in caqabadahan ay saameyn ku leeyihiin amniga gobolka sidaas awgeedna dowladdu ay go’aansatay inay soodhimaha adkeyso.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dibadbaxyada ka taagan dalka Suudaan iyo iskudhacyada gobolka waqooyi ee Tigray ee wadanka Itoobiya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inuu wada hadal la yeeshay wasiirka difaaca ee dalka Uganda waxayna ka wada hadleen la tacaalidda caqabadda argagixisannimo.
Fred Matiang’i waxaa uu kenyaanka ku boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ayna ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta nabad galyada.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Axaddii la soo dhaafay dab la qabadsiiyay ugu yaraan 8 baabuur iyo agab ay lahayd shirkad laga leeyahay Shiinaha oo howlo dhismo ka waddo ismaamulka Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here