Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah magaalada Baledweyne

Ciidamo hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah magaalada Baledweyne

Ciidamo farabadan oo ka amar qaata Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu arkay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamada oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka iyo Hubka cul culus kana soo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu tago Beledweyne ayaa lagu arkayaa laga soo bilaabi Xaafada Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle oo ku sugnaa Xaafadaha Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta ay isaga baxeen, kuwaas oo ilaa xalay halkaasi ku sugnaa, waxaana Magaalada Beledweyne saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo Ciidan.
Dhaqdhaqaaqyada Ciidan iyo xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Beledweyne ayaa ka dambeeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku wajahan yahay Magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments