Suxufi hore Xuseen Maxamad oo loo magacaabay madaxa isgaarsiinta ee ololaha William Ruto

0
847

Suxufi sare ee horaan ka tirsanaa teleefishinka maxalliga ee Citizen Xuseen Maxamad ayaa la shaaciyay in loo magacaabay madaxa isgaarsiinta ololaha madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ee doorashada guud bisha siddeedaad ee sanadkan.
Tallaabadaan ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dib qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waxaa uu Xuseen teleefishinka Citizen ka tagay bishii 10-aad ee sanadkii 2019-kii, ka dib 10 sano oo uu la shaqeynayay.
Siyaasiyiinta caanka ah ee uu Xuseen Maxamad wareystay waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here