Guddiga IEBC oo sheegay inuu diiwaangeliyay in ka badan 200,000 oo codbixiyeyaal cusub ah

0
651

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaciyay in muddo hal toddobaad gudihiisa ah uu diiwaangeliyay codbixiyeyaal cusub oo gaaraya 229,843 qof.
Guddoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa hoosta ka xarriiqay in bartilmaameedsigooda isbuuca uu ahaa diiwaangelinta 1.4 milyan oo kenyaan ah.
Chebukati ayaa shakhsiyaadka aan weli isku diiwaangelin ka qayb qaadashada doorashada guud ka codsaday inay fursadda ka faa’iidaystaan ka hor 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi la soo gabagabeyn doonaa wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo la billaabay 17-kii bishan.
Guddoomiyaha IEBC ayaa shacabka u sheegay inay xaq dastuuri oo dimuqraadi ah u leeyihiin inay codkooda wax uga beddelaan hoggaaminta wadanka.
Sidoo kale hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu ka codsaday inay guddiga garab ku siiyaan sare u qaadidda wacyigelinta dadweynaha ee arrinkan ku aaddan.
IEBC ayaa dhanka kale sheegtay in ilaa iyo hadda ay diiwaangelisay 163 ka mid ah qurbajoogta kenyaanka ah.
Sidoo kale waxaa guddiga loo gudbiyay codsiyo gaaraya 184 oo ku saabsan bedelidda goobaha codbixinta iyo 136 codsi oo dib loogu eegayo macluumaadka ay codbixiyeyaasha horay isugu diiwaangeliyeen.