30 ka mid ah siyaasiyiinta galbeedka oo ka soo horjeestay iskaashiga ANC iyo UDA

0
405

Ka dib markii shalay madaxda xisbiyada ANC iyo UDA ee kala ah Musalia Mudavadi iyo William Ruto ay shaaciyeen inay wada shaqeyn doonaan ayaa waxaa arrintaasi ka soo horjeestay mudanayaasha baarlamaanka ee ay deegaan doorashadoodu tahay galbeedka wadanka.
Siyaasiyiintan oo tiradoodu lagu sheegay 30 ayaa ka tirsan xisbiyada ODM, Jubilee iyo DAP-K.
Hoggaamiyaashan ayaa xusay in iskaashiga Ruto iyo Mudavadi aysan ahayn waddo furan marka la eego horumarinta dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale isbeheysiga OKA oo uu ka tirsanaa Musalia Mudavadi ayaa lagu soo warramaya inuu xiriirka u jaray mas’uulkan.
Afhayeenka OKA Frederick Okango ayaa sheegay inaysan marnaba saaxiibo siyaasadeed la noqon karin madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Okango oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee KANU ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Musalia Mudavadi la’aantiisa ay horay u sii tallaabsadaan balse ay lagama maarmaan noqotay.
Waxaa uu madaxa ANC u rajeeyay guul maadaama uu la saftay xisbiga UDA isagoo hoosta ka xarriiqay in OKA aysan diyaar u ahayn dhaawac soo gaaro.