Musalia Mudavadi oo sheegay inuusan la shaqeyn karin Raila

0
679

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo ay maanta ergada heer qaran ee xisbigiisa u soo xusheen inuu noqdo musharraxa madaxweynenimo ee matalaya xilliga doorashada guud ee bisha siddeedaad ayaa si cad u sheegay inuusan la shaqeyn karin garabka Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in uu aad u tixgeliyo kalsoonida marka uu xulanaya saaxiibada uu xiriirka dhow la yeelanayo.
Waxaa uu tilmaamay in lagu kalsoonaan karo qof ay is waafaqaan hadalladisa iyo ficilladiisa .
Musalia Mudavadi waxaa uu arrin ceeb ah ku sheegay in 11 sano ka dib markii la soo saaray dastuur cusub aanan weli ka dhaqangelin qodobbada dastuuriga ee qeexaya xuquuqda dhinacyada laga tirada badan yahay.
Waxaa uu sheegay in bulshooyinka tirada yar ay xaq u leeyihiin in si la mid ah qowmiyadaha kale loola dhaqmo oo loogu adeego.
Waxaa uu xusay inay tahay in kooxahan la ilaaliyo , loo fududeeyo lagana qayb geliyo geeddisocodka maamulka ee dalka.
Musalia oo adeegsanayay hal qabsiga#Tusidanganyane oo ay micnaheedu tahay yaanan is khiyaanin ayaa hoosta ka xarriiqay inaan laga faa’iidaysan kartida bulshooyinka ku nool deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASALS.
Waxaa uu sheegay in caqabadaha jira badankoodu ay yihiin kuwo uu aadanaha sabab u yahay iyo kuwo rabaani ah oo la xallin karo.
Musalia ayaa sheegay in deegaanada xoolo dhaqatada ay ka jiraan kheyraad badan oo ay tahay in loo suuqgeeyo meelaha maalgelinta laga helo.
Waxaa uu xusay in hadii uu talada dalka qabto uu tani mudnaanta koowaad siin doono.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday in maamulkiisa uu tixgelin doono sinnaanta jinsiyadeed si haweenka ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay maadaama uu wasiir noqday isagoo 29 sano jir ah inuu aad u daneynayo oo uu hayo qorsho sare loogu qaadayo nolosha dhallinyarada.
Madaxa ANC ayaa wacad ku maray inuu si buuxda u dhaqan gelin doono hannaanka dowlad wadaajinta.
Waxaa uu sheegay inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa iyadoo aan la siyaasadeyn ama hay’adaha dowladda loo adeegsan bartilmaameedsiga shakhsiyaad gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here