Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida madaxii bangiga dhexe ee Uganda

0
408

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray dhigiisa Uganda Yoweri Museveni iyo shacabweynaha wadankaasi ka dib geeridii ku timid madaxii bangiga dhexe ee Uganda Emmanuel Tumusiime-Mutebile.
Prof .Tumusiime ayaa saaka isagoo 72 sano jir ah ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Geerida mas’uulkan oo tan iyo sanadkii 2001-dii ahaa madaxa bangiga dhexe ee Uganda ayaa timid ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Mr. Kenyatta ayaa Tumusiime ku tilmaamay shakhsi isbeddelo badan sameeyay oo xaqiijiyay horumarka iyo sugnaanshaha dhaqaalaha wadankiisa iyo si guud gobolka.
Mutebile ayaa kaalin wayn ka soo qaatay dejinta iyo dhaqangelinta xeerar dhaqaale oo dhowr ah.