Kenya oo adeegsatay 114,007 oo ah irbadda xoojinaysa tallaalka COVID-19

0
279

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay isticmaashay 114,007 oo ah tallaalka irbadda loogu talagalay inay xoojiso difaaca dadka qaatay dawooyinka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Dabayaaqadii bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladda dhexe barnaamijkan daahfurtay.
Irbaddan ayaa la siiyaa shakhsiyaadka muddo 6 bilood ka hor qaatay dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa.
Marka la eego sida ay dadweynaha u qaadanayaan irbadda xoojinaysa tallaalka waxaa ugu horreeya ismaamulka Nairobi oo laga bixiyay 54,055 , Nakuru 8,066 26, Uasin Gishu 5,744, Kiambu 5,567 iyo Mombasa oo ah 4,940.
Dhanka kale waxay wasaaraddu adeegsatay 11,522,950 oo ah dawooyinka tallaalka COVID-19.