Ururka qareenada dalka ee LSK ayaa hay’adaha ammaanka ugu baaqay inay dardargeliyaan baaritaannada ku aaddan dilka qareen lagu magacaabi jiray Kevin Gesire.
Waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha waaxda dacwad oogidda ee ka shaqeeya ismaamulka Kitui.
Xubnaha LSK qaybtooda dowlad deegaankaasi ayaa sheegay inaysan ku qancin warbixinta booliska ee tilmaamaysa in garyaqaanka uu isku dhex dilay gurigiisa.
Galinkii hore ee Talaadada ayaa meydka Gesire laga dhex helay hooygiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurkiisa uu yaallay bannaanka guriga.
Taliyaha booliska ee bartamaha Kitui Chrispin Ogutu, ayaa sheegay in qareenka geeriyooday uunan wax qoraal ah ka tagin taasoo saraakiisha ka caawin lahayd baaritaannada.
Waxaa uu intaasi ku daray inay guda galeen baaritaano xaqiiqo raadin ah sidoo kalena meydka qareenka lagu sameyn doono qallin baaritaan.
Garyaqaanada Kitui oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Morris Kimuli, ayaa ku doodaya in booliska ay go’aan degdeg ah qaateen iyagoo aan sameyn baaritaano dhameystiran waxayna hadda dalbanayaan in baaritaano qoto dheer la sameeyo.