DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Kirinyaga oo 3 buundo ka hirgelisay waddooyin ay shacabka ay ku dhib qabeen

0
518

Dowladdda ismaamulka Kirinyaga ayaa saddex buundo ka dhistay goobo shacabka dowlad deegaankaasi ku dhib qabeen maritaankooda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay isticmaalayeen buundooyin alwaax ka sameysan oo halis badan.
Waxaa ay intaa ku dareen in muddo dheer ay ku qasbanaadeen in ay ka gudbaan wabiga iyaga oo isticmaalaya buundooyinka alwaaxa ka sameysan.
Buundooyinka la dhisay ayaa ku yaalla tuulooyin kala ah Mukure, Tebere iyo Kabare ee ka tirsan ismaamulka Kirinyaga.
Waxaa ayna dadka deegaanka u sahlayaan inay helaan suuqyo, iskuulo iyo goobo caafimaad oo ay marayaan buundooyinka la dhisay.
In ka badan 30,000 oo dadka dowlad deegaanka Kirinyaga ayaa adeegsan doono buundooyinka cusub ee halkaasi laga dhisay.
Qaar ka mid ah shacabka goobaha buundooyinka laga dhisay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay