Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo xarun soo saarta dawooyinka ku dhisaysa 2.5 bilyan

Kenya oo xarun soo saarta dawooyinka ku dhisaysa 2.5 bilyan

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in lacag dhan 2.5 bilyan oo shilin lagu qarash gelin doono hirgelinta warshad soo saarta dawooyinka tallaalka ee lagula tacaalo cudurrada faafa sida COVID-19.
Warshaddan ayaa laga dhisi doonaa xarunta maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ee deegaanka Embakasi, magaalada Nairobi.
Mr. Kagwe ayaa tilmaamay in marka la dhiso xarunta Kenya Biovax ay meesha ka bixi doonto dawooyinka tallaalka ee dalka dibadiisa laga soo dejiyo iyo ku tiirsanaanta deeq bixiyaasha.
Wasiirka caafimaadka ayaa tilmaamay in lacagta loo adeegsan doono in la dayactiro dhismooyin hore iyo howlaha qalabeynta.
Xilli uu arrintan ka hadlay isagoo ku sugan deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayuu wasiir Kagwe u ballanqaaday Kenyaanka in dowladdu ay kaashan doonto khuburrada ugu aqoonta fiican caalamka si ay isugu dhigmaan dhaqaalaha la isticmaalaya iyo natiijada dhanka waxqabadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments