DHAGEYSO:William Ruto oo mar kale ka hadlay qorshaha sharci beddelka

0
318

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo shalay isku soo baxyo siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Machakos ayaa dadweynaha ugu baaqay inay taageeraan qorshihiisa ku aaddan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageerayo danyarta, ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
Waxaa uu mar kale xusay in aan la joogin xilligii lagu mashquuli lahaa in wax laga beddelo xeerarka dastuuriga ah.
Ruto ayaa dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ka dalbaday inuu ku baaqo in taageerayaashiisa aynan rabshad adeegsan xilli la isku diyaarinayo doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.