William Ruto oo maanta isku soo bax ku qabanaya Machakos

0
602

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta ololihiisa siyaasadeed geeyo ismaamulka Machakos ee bariga wadanka.
Waxaa uu doonaya inuu dadweynaha halkaasi ku nool ka dhaadhiciyo inay taageeraan qorshihiisa dhaqaale ee ku saleysan garab istaagga danyarta, ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
William Ruto ayuu qorshuhu yahay inuu abaare 10-ka barqanimo ee maanta isku soo bax ku qabto fagaaraha Donyo Sabuk.
Waxaa uu intaasi ka dib u sii gudbi doonaa suuqa Tala ee degmada Matungulu oo uu shacabka kula hadli doono 11-ka barqanimo.
Dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo isna adeegsanaya hiigisiga mideynta shacabka ayaa maanta gaaraya ismaamulka Migori
Waxaa uu isku soo bax ku qaban doonaa degmada Kuria ka hor inta uunan u gudbin fagaaraha Kehancha oo uu ku sugnaan doono galinka dambe ee maanta si uu halkaasi khudbad uga jeediyo.