DHAGEYSO:Wasaaradda arrimaha gudaha oo maanta Garissa ka billowday bixinta kaararka aqoonsiga

0
930

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka ayaa maanta magaalada Garissa ka billowday bixinta in ka badan 14,000 oo ah aqoonsiga qaran ee kenyaanka horay iskaga diiwaangeliyay hannaanka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR balse lagu guulaystay in dadkaasi laga saaro faraha qaxootiga.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Dadaab Dr.Maxamad Daahiye Ducaale oo arrintan ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay.
Waxaa uu sheegay inay qiyaasayaan in ilaa 70,000 oo kenyaan ah ay horay duruufo jiray awgood isku diiwaangeliyeen qaxooti ahaan sidaas darteedna ay jiraan dad badan oo aan weli laga saarin diiwaanka UNHCR.
Dowladda ayuu ka codsaday inay barnaamijkan sii ballaariso si shakhsiyaadka aan weli ka faa’iidaysan ay fursad u helaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kenyaanka iyo qaxootiga is guursaday iyo carruurtoodaba ay xaq u leeyihiin in la siiyo aqoonsiga qaran ee dalka.

Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda arrimaha gudaha Xuseen Daado ayaa shacabka la siiyay aqoonsiga qaran ku boorriyay inay taageeraan dowladda oo ay kala shaqeeyaan amniga

Senarka ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa dhankiisa dadka ugu baaqay inay qaadaan tallaabada xigta oo ah isku diiwaangelinta doorashada guud .