Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab mahiigaan ah la rajeynayo

Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab mahiigaan ah la rajeynayo

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filaya in roobaab ay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah wadanka.
Waxaa ay intaa ku dartay in roobabka ay sidoo kale wataan dabaylo xooggan.
Waaxda KMD ayaa sheegtay in roobabka ay socon doonaan laga bilaabo maanta oo Talaada ah ilaa 22-ka bishan.
Goobaaha laga yaaba inay ka hooraan roobabka dabeylaha wato ayaa kala ah meelaha joogoodu sarreya ee galbeedka gobolka Rift Valley, harada Victoria, bartamaha iyo koonfurta Rift Valley, Nairobi, waqooyi galbeed iyo gobolka waqooyi bari ee dalka.
Bayaan ay waaxdu soo saartay ayaa waxaa qayb ka ah inay roobab culus oo heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 50 miliimitir.
Dadka degan ismaamullada Nairobi, Nyandarua, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu iyo Tharaka-Nithi ayay waaxdu sheegtay in roobab heli doonaan galinka hore ilaa iyo galinka dambe ee maalmaha la saadaaliyay.
Dowlad deegaanada Kisii, Nyamira, Trans-Nzoia, Uasin-Gishu, Elgeyo-Marakwet, Nandi, Kericho, Bomet, Kakamega, Vihiga, Bungoma, West-Pokot, Siaya, Kisumu, Homa Bay, Busia, Migori, Baringo, Nakuru, Narok iyo Laikipia ayaa la kulmi doonaan roobab onkod wato maanta iyo berri.
Sidoo kale ismaamullada waqooyiga dalka ee kala ah, Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Isiolo, ayaa la filayaa in ay meelo kooban ka da’aan roobab toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments