Dowladaha Kenya iyo Hungary ayaa wada saxiixday heshiisyo gaaraya afar oo lagu xoojinaya iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeya.
Heshiisyadan ayaa ku saabsan caafimaadka , biyaha , waxbarashada iyo dibloomaasiyadda.
Is-afgaradkan ayaa waxaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State ee magaalada Nairobi ku gaaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Hungary János Áder oo Kenya safar rasmi ah ku joogo.
Madaxdan ayaa wufuud kala matalaysa labada waddan ku hoggaamiyay wada hadallo labo geesood ah.
Heshiiska dhanka caafimaadka ayaa ku saabsan in sare loo qaado tayada shaqaaleysiinta , in la wadaago xogaha iyo ka hor tagga cudurrada uu ka mid yahay COVID-19.
Is-afgaradka dhanka tacliinta ayaa horseedi doono in la laba jibbaaro tirada Kenyaanka ee deeqaha waxbarasho ka helo wadanka Hungary.
Tiradan oo sanadkiiba hadda ah 100 arday ayaa laga dhigi doonaa 200.
Heshiiska la xiriira biyaha ayaa fududeynaya in labada dowladood ay iska kaashadaan maareynta wasaqda iyo arrimo kale.
Kenya iyo Hungary ayaa sidoo kale qalinka ku duugay ka wada shaqeynta tababarrada dhanka dibloomaasiyadda iyo xog wadaagga si ay tababarro u helaan dibloomaasiyiinta labadan dowladood.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraaid ku ammaanay dowladda Hungary oo uu sheegay inay tahay saaxiibka ugu awoodda badan ee Kenya ee qaaradda Yurub.
Waxaa uu sheegay in dowladdaasi ay ahayd midii 6-aad ee sanadkii 1964-tii safaarad ka furatay Kenya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa shaaciyay in si sare loogu sii qaado xiriirka soo jireenka ah in sida muddada ugu soo dhow ee suurtagalka ah ay Kenya safaarad ka furan doonto magaalada Budapest ee caasimadda dalka Hungary.
Waxaa uu dhigiisa wadankaasi uga mahadceliyay go’aanka uu qaatay ee ah inuu laba jibaaro deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah taasoo uu sheegay inay cilaaqaadka waddamadan ka dhexeya ay sii xoojinayso.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Kenya ay aad u daneynayso in ganacsato badan oo Hungary ka soo jeeda ay gudaha wadanka maalgashi ka sameeyaan.
Waxaa uu dhanka kale dowladda dalkaasi uga mahadceliyay taageero dhaqaale oo dhan 50 milyan oo doolar oo ay ku qarash gelinayso waaxyaha caafimaadka , wax soo saarka beeraha , waxbarashada iyo biyaha.
Dhanka kale madaxweyne Kenyatta oo soo hadal qaaday amniga gobolka ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto dadaallada hormuudka ah ee ku aaddan xasilinta dariskeeda.
Waxaa uu dhigiisa Hungary János Áder ka codsaday inuu gacan ka gaysto sidii loo furfuri lahaa heshiiska iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeya jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC) iyo Midowga Yurub(EU).
Hoggaamiyaha Hungary ayaa dhankiisa sheegay in dowladdisa ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Kenya ee dhanka horumarka waxaa uuna madaxweyne Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay sida diirran ee uu u soo dhaweeyay.