Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa shalay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dhallinyaro iyagoo dhagaxaan adeegsanaya iskudayay inay carqaladeeyaan isku soo bax siyaasadeed oo uu madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto ku qabanayay fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
In kastoo munaasabaddaasi ay sii socotay haddana William Ruto ayaa arrintaasi ku eedeyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Ruto ayaa sheegay in aan marnaba laga hor istaagi karin inuu kenyaanka meel walbo oo ay ku nool yihiin ka dhaadhiciyo qorshihiisa siyaasadeed.
Dhallinyarada ayuu uga digay in loo adeegsado rabshadaha gaar ahaan xilligan oo la isku diyaarinaya doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu dhanka kale Mr. Odinga ka dalbaday inuu caddeeyo sida ay uga go’an tahay inuu aqbalo natiijada doorashada guud ee sanadkan haddii loolanka loogaga adkaado.
Raila ayaa horay u sheegay in haddii uunan si caddaalad ah ugu soo bixin doorashada uusan muran gelin doonin natiijada.