Waa kuma guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya?

0
503

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee Soomaaliya oo maanta qabtay doorasho ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye cusub.
Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole), ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.
Khilaaf ayaa beryahan ka dhex taagnaa guddiga markii xilka laga qaaday Cirro, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha guddigaasna ay ka soo horjeesteen xilka qaadistaas.
Labo xubnood oo kamid ah guddiga ayaa isu sharraxay qabashada xilka guddoomiyaha, waxaana la sheegay inuu jiray loollan adag oo ka imaanayay dhinacyada siyaasadda, oo ay ugu xusul duubayaan sida ay u soo saari lahaayeen musharraxa ay taageerayaan.
Faroole ayaa helay 14 cod halka Cabdicasiis Cabdiraxiin Aadan oo la tartamay ayaa helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga qaban qaabada.
Guddoomiyaha guddigani, ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, oo ah inuu wakhti kooban ku qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka aqalkiisa hoose.