Ra’iisul wasaaraha Sweden oo laga helay COVID-19

0
199

Waxaa lagu soo warramaya in ra’iisul wasaaraha wadanka Sweden Magdalena Andersson laga helay cudurka COVID-19.
Waxaa sidatan warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenkeeda.
Andersson oo 54 sano jir ah ayaa ka mid noqotay mas’uuliyiinta xisbiga Social Democratic ee uu haleelay caabuqa corona.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo horraantii toddobaadkan golaha xeer dejinta ee wadankaasi uu yeeshay dood ku saabsan la tacaalidda xaaladaha sii kordhaya ee COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here