Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliska Machakos oo qabtay 2 eedeysane oo sitay foolasha maroodiga

Booliska Machakos oo qabtay 2 eedeysane oo sitay foolasha maroodiga

Ciidamada ammaanka ee magaalada Matuu ee ismaamulka Machakos ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysanayaal oo sitay foolasha maroodiga
Dadkan ayaa loo haystaa inay ku howlan yihiin ganacsiga sharci darrada ee lagu bartilmaamedsado duur joogta
Foolasha maroodiga ayaa mug ahaan dhan 14 kiilogaraam, islamarkaana qiimihiisu yahay 1.4 milyan oo shilinka dalka ah.
Waxaa soo qabashada eedeysanayaasha iska kaashaday waaxda adeegga duurjoogta ee KWS laantooda deegaanka Mwingi iyo dhiggooda Lang’ata ee magaaalda Nairobi.
Taliyaha booliska deegaanka Yatta ee ismaamulka Machakos Mary Njoki ayaa sheegtay in tuhmanayaasha laga soo qabtay goobta basaska laga raaco ee magaalada Matuu, iyagoo ku sii jeeday caasimadda dalka ee Nairobi, islamarkaana lagu helay iyagoo wata foolasha maroodiga oo jawaan laga soo buuxiyay.
Waxaa ay intaa ku dartay inay wadaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aanan eedeysanayaasha maxkamad la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments