DHAGEYSO:Waxgaradka gobolka Bari oo bogaadiyay go’aamo ay soo saareen isimada

0
579

Kulan ay isku yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo dhalinyarada gobolka bari ayaa waxay ku soo dhaweeyeen go’aamadii ay soo saareen Isimada ee xalka loogu raadinayay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dadka kulankaan isugu yimid ayaa taageeray qodobada ay go’aamiyeen isimadu waxayna sheegeen inay u arkaan kuwo xal u noqon kara culaysyada ay dareemayaan shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo horay saamay uga soo gaadhay dagaaladii magaalada ka dhacay bishii hore.
Waxgaradkaan ayaa ku baaqay in laga baaqsado waxkasta oo sababi kara in mar kale magaalada boosaaso uu dagaal ka dhaco.
Waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa waxay ugu baaqeen madaxweynaha Puntland inuu gobolka Bari ciidamada ka saaro oo furimahoodii dib loogu celiyo ayagoo dhanka kalena uga mahaceliyay inuu arintaan xal ka gaarideeda isimada u daayay.

Dhanka kale Kulan lagu taageeyay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyo hirgalinta qoontada haweenka ayaa lagu qabtay Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Dadkii kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in qodobadii shirkaas ka soo baxay sida ay yihiin lagu hirgaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here