Dowlada Turkiga oo canbaaraysay Qarixii shalay muqdisho ka dhacay

0
293

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay wadada 21-ka Octoober ee degmadA Waaberi magaalada Muqdish ee Caasimada Soomaaliya kaasoo geystay khasaare kala duwan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga lana soo marsiiyay Safaarada Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa weerar argagaxiso, aadna uga xumaadeen dhibaatada soo gaartay dadkii isugu jiray shacabka iyo askarta.
Qaraxaas ayaa la sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dad kalenaa ay ku dhaawacmeen wuxuuna ahaa qaraxa ismiidaaminta ah oo lagu qaaday Gaari ay la socdeen saraakiil UN-ka ka tirsan.
Ugu dambeyn dowlada Turkiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaagga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada loogu yeero.
Dowladda Turkiga ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay Muqdisho iyo dalka Turkiga ku tababartaa Ciidamo katirsan xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo dagaalo la gala Ururka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here