Beledxaawo: Askari horay u dilay wiil makaanik ah oo dil toogasho ah lagu fuliyay

0
493

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qaybta 27-aad ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay askari katirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo horay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ku dilay qof Shacab ahaa.
Askariga toogashada lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray Cabdiqaadir Faarax Dhaqane (Nuune ) ayaa degmada Beledxaawo ku dilay Marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo.
Fagaaraha toogashada saaka ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qaybta 27-aad, Ehellada Askariga la toogtay & ehellada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.
Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 27-aad Gaashaanle Maxamad Cabduqaadir Maxamad ayaa sheegay in Dable xoogga Cabdiqaadir Faarax Dhaqane (Nuune ) lagu helay in uu dilka ka dambeeyay, islamarkaana saakay xukunkii horay loogu riday ee dilka ahaa lagu fuliyay.
Shalay ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 27-aad ay xukun dil ah ku fulisay Askari katirsanaa Ciidamada Booliska oo degmada Luuq ku dilay darawal Mooto Bajaaj.