Rwanda oo dadka nugul ka tallaalaysa COVID-19

0
866

Dowladda dalka Rwanda ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayso in boqolkiiba 20 ee shacabkeeda ay sanadkan 2021-ka qaataan tallaal ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegtay inuu jiro qorsho labo sano gudahood ay tallaalka ku helayaan 8 milyan oo qof.
Sidoo kale waxay dowladda dalkaasi sheegtay inay rajeynayso in bishan iyo midda saddeexaad ay hesho ugu yaraan 996,000 oo ah daawada AstraZeneca iyo 102,960 oo ah nooca tallaalka ee Pfizer .