William Ruto oo maanta ololihiisa geeynaya Migori

0
322

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa la filayaa inuu maanta ololihiisa siyaasadeed geeyo ismaamulka Migori si uu shacabka halkaasi ku nool uga codsado inay taageeraan bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxay wararku sheegayaan in abaare 9-ka subaxnimo uu ka qayb geli doono munaasabad ka dhacaysa kaniisadda Isebania Parish ee galbeedka deegaanka Kuria.
Intaasi ka dib William Ruto ayaa u sii gudbi doono magaalada Getonganya oo uu qorshuhu yahay inuu 11-ka barqanimo ku qabto isku soo bax siyaasadeed.
Qorshaha socdaalka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto waxaa qayb ka ah inuu dadweynaha kula hadlo degmada Kehancha ka hor inta uunan u sii gudbin deegaanka bari ee Kuria oo uu qaybaha kala duwan ee bulshada kulamo kula yeelan doono.
Shalay ayay ahayd markii isagoo ku sugan magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu uu Ruto hoosta ka xarriiqay inaysan jirin cid ka hor istaagi karto hoggaaminta wadanka haddii uu garab ka helo codbixiyeyaasha.
Dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo isna adeegsanaya hiigsiga mideynta shacabka ee ‘Azimio La Umoja’ ayaa booqan doono hooyooyinka maxaabiistii siyaasadeed.
Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa waxaa ku cad in Mr. Odinga uu tagi doono fagaaraha dugsiga sare ee Kibichiku ee ismaamulka Kiambu halkaasi oo lagu xusuusan doono haween ay ka mid tahay hooyadii oo geeriyootay isagoo xabsi ku jiro.