Dowladda oo mamnuucday kaararka hambalyada ee ardayda guul loogu rajeeeyo ee wato sawirro siyaasadeed

0
878

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo saaray amar goobaha tacliinta looga maamnuucayo kaararka hambalyada ee wata sawirro siyaasadeed islamarkaana lala wadaago ardayda ka hor inta aysan u fadhiisan imtixaanaadka shahaaddiga ee KCPE iyo KCSE.
Kaararkan oo asxaabta ardayda ay ugu rajeeyaan in ay natiijo fiican ka keenaan imtixaanaadka ayaa loo yaqaanaa Success cards.
Prof. Magoha ayaa ku boorriyay guddoomiyeyaasha dowladda dhexe ku matala ismaamullada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada inay burburiyaan kaar walbo oo siyaasadeed oo ay ku qoran yihiin farriimo hambalyo oo la siinayo ardayda uu qorshuhu yahay inay u fariistaan imtixaannada qaran ee bisha saddexaad ee sanadkan.
Hadalkan ayuu wasiirka ka jeediyay dugsiga sare ee Mwiyala ee ismaamulka Kakamega oo ay ka socotay munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha fasallada manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Wasiirka ayaa dhanka kale qandaraasleeyda ugu baaqay inay dardargeliyaan dhisidda fasallada dheeraadka ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in inta ay imtixaannada socdaan aan cid gaar ah loo oggolaan doonin inay ku sugnaato goobaha tacliinta.