DHAGEYSO:Koronta la’aan curyaamisay adeegyada caafimaad ee isbitaalka guud ee Wajeer oo ay carruur ku dhinteen

0
417

Waxaa isbitaalka guud ee ismaamulka Wajeer ka jirta xaalad aad u adag iyadoona ay biyo iyo koronta la’aan curyaamiyeen adeegyada caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Dadka ku nool ismaamulkaas ayaa aad uga walaacsan arrintan, iyagoona ka cabanaya inay haysato adeeg la’aan caafimaad.

Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Wagberi ee ismaamulkaasi, Rashiid Maxamad oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Star Fm ayaa inooga warbixiyay dhibaatada ka jirta isbitaalka guud ee dowlad deegaanka Wajeer.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismamulkaasi Cabdiraxmaan Mucaawiye ayuu khadka teleefanka ugu warramay.
Waxaa uu ugu horreyn weydiiyay dhibaatada xaruntaasi caafimaad ka jirto.

Saraakiisha caafimadka ayaa sheegaya in arrintan ay sababtay dhimasha dhalaan dhowr ah inay ku dhinteen isbitaalka.
Maamulka isbitaalka ayaa ku andacoonaya in gabi ahaanba ismaamulka Wajeer ay ka jirto koronto la’aan baahsan.
Madaxaa fulinta ee isbitalka guud ee Wajeer Dr. Bashiir Maxamad ayaa sheegay in ciladda koronta ay saameysay guud ahaan ismaamulkaasi.
Hasa ahaate waxaa uu ku gacan seyray inay carruur xaruntaasi caafimaad ay ku geeriyooden.
Dhanka kale Dr. Axmad Nuur, guddoomiyaha uruuka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantooda dowlad deegaanka Wajeer ayaa xusay in ilmaha yar ay dhinteen maadaama aysan koronto ka jirin isbitaalka islamarkana aysan ahayn ciladda dhakhaatiirta.
Toddobaadkii hore, shaybaarka guud ee ismaamulka Wajeer ayaa la xiray, maadaama uusan lahayn daawooyinka loo baahanyahay in baaritaanada lagu sameeyo, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay adeegga caafimaadka.
Dr. Noor ayaa xusay in xaaladda ay aad u xuntahay, dhakhaatiirtana sidaas ku shaqaynayeen, balse dhawaan aysan ku shaqeyn doonin xaaladdan.
Waxaa ay sheegeen in dadaalladii ay doonayeen in arrimahooda ay ku soo bandhigaan ayaa sababatay in mid ka mid ah dhakh\atiirta ay jirdilaan saraakiisha la shaqeeyo guddodmiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar.