Waxaa maanta mar kale dib u billaabanaysa dood socon doonto saddex cisho oo xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ay yeelanayaan.
Mudanayaasha oo aan toddobaadkii hore ku heshiin ansaxinta isbeddello lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed ee wadanka ayaa maanta ilaa Jimcaha yeelan doono kal-fadhiyo gaar ah oo uu horay u codsaday hoggaamiyaha aqlabiyadda ahna mudanaha deegaanka Kipipiri Amos Kimunya.
Isbeddelka muranka dhaliyay ayaa ah in xisbiyada siyaasadeed ee Kenya loo beddelo isbeheysiyo la soo dhisayo 6 bilood ka hor xilliga codeynta .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhacdo doorasho guud.
Kimunya oo xalay wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudanayaasha ay maanta ilaalin doonaan anshaxa iyo habdhaqanka laga filan karo mas’uulka maadaama toddobaadkii hore ay rabshado dhaceen.