Maqaayadda caalamiga ah ee laga leeyahay wadanka Mareykanka ee KFC laamaheeda ku yaalla dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahday gabaabsi dhanka baradhada shiilan ee Jibsiga.
Maamulka KFC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in baradhada shiilin ay ka dhamaatay.
Waxaa uu intaasi ku daray in kooxdooda ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay arrintani u xallin lahaayeen.
Sababta uu gabaabsiga ugu yimid baradhada shiilan ayaa ah inay daaheen maraakiibtii u keeni jirtay, ka dib xayiraadaha cudurka dunida halakeeyay ee Covid19.
Maqaayadda KFC ayaa baradhada looga keenaa dalka dibaddiisa maadama aysan gudaha dalka ka qaadanin si cuntada ay kariyaan ay u noqoto mid tayo leh oo u wanaagsan caafimaadka islamarkaana dadka u keenayana ay soo marayaan qaabab kala duwan oo lagu xaqiijinayo tayada, ayuu yiri madaxa fulinta ee shirkaddan ee Bariga Afrika, Jacques Theunissen.
Macaamiisha KFC ee ku sugan Kenya ayaa caradooda ku muujiyay barta Twitter-ka iyaga oo ka careysan sababta maqaayadda aysan u adeegsanin baradhada laga soo saaro Kenya.