IEBC oo bilaabeysa diiwaangelin labaad ka hor doorashada guud

0
433

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee (IEBC) ayaa qaban doonta diiwaangelinta labaad ee laga bilaabo bishan ee sanadka cusub 2022-ka si loogu diyaar garoobo doorashada guud.
Bayaan uu soo saaray, guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayuu ku sheegay in qurbajoogta kenyaanka ah diwaangelintooda codeynta la qaban doono bishan maanta curatay.
Madaxa IEBC ayaa dhanka kale kenyaanka u xaqiijiyay in guddiga ay ka go’an tahay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ee dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo.
“Guddiga waxa uu wadaa qorshaynta iyo dejinta tillaabooyin iyo hab lagu hubinayo doorasho guud oo fudud, sax ah, la xaqiijin karo, sugan, isla xisaabtan, dhexdhexaad ah, hufan, sido kalena lagu kalsoonaan karo” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Chebukati.
Diwaangelinta codbixiyeyaasha ee ugu horreeyay ayaa la soo gabagabeeyay 2-dii bishii 11-add ee sanadkii hore, iyadoo IEBC ay ku adkaysatay in aanay haynin wax miisaaniyad ah oo lagu kordhiyo diiwaangelin kale.